Waa maxay macnaha Djupinlärning?

Djupinlärning = Barashada qoto dheer

Barashada qoto-dheer (djupinlärning) waa nooc barasho ah oo keena aqoon sii jirta muddo dheer. Kooban, barashada qoto-dheer waxay ka dhigan tahay inaad si qoto-dheer u fahamto aqoonta aad damacsan tahay inaad qaadato; halkii aad kaliya xafiddo oo aad markdanbe iloowdo, waxaad si sahlan u fahamtaa waxyaabaha oo aad macno ka dhigtaa. Tusaale ahaan, waxaad fahantaa sababta xeer taraafik gaar ah loogu naqshadeeyay sidaas gaarka ah. Barashada dush-sare (ytinlärning) waa liddiga barashada qoto-dheer: waxaad barataa xaqiiqooyin adigoon fahmin, sidaas darteedna waxaad si dhakhso ah u iloowdaa waxa aad baratay.

Sharaxaad af Iswiidhish ah

Djupinlärning är en typ av inlärning som resulterar i en mer långvarig kunskap. Kortfattat innebär djupinlärning att man har en större förståelse för kunskapen man avser att ta in, man kan lättare förstå och sätta saker i ett sammanhang och inte bara memorera och senare glömma bort. Exempelvis förstår man varför en viss trafikregel är utformad på det specifika sättet. Ytinlärning är motsatsen till djupinlärning. Du lär dig fakta utan förståelse och glömmer därför snabbt bort det du lärt dig.

Dhammaan ereyada