Nalalka maalinta (varsellyktor, varselljus) waa nalal ku yaal hore ee baabuurka oo ka dhigaya inay dadka kale ee waddada isticmaala si fudud u arkaan baabuurkaaga. Dhammaan baabuurtu ma haystaan nalalka maalinta. Maalinta iftiinka waxaad ku wadi kartaa nalalka gaaban (halvljus) ama nalalka maalinta, laakiin ma aha labadaba isla mar. Gudcurka, hiirka subaxda iyo fiidka, iyo marka cimiladu xun tahay (tusaale ahaan roob, ceeryaamo ama barafka da'ay), waa inaad shidataa nalalka gaaban iyo nalalka gadaal iyo dhinacyada.
Sharaxaad af Iswiidhish ah
Varsellyktor (varselljus) är lyktor framtill på bilen som gör att andra trafikanter lättare kan se din bil. Alla bilar har inte varsellyktor. I dagsljus får du köra med antingen halvljus eller varselljus, men inte med båda samtidigt. I mörker, gryning och skymning och när vädret är dåligt (till exempel regn, dimma eller snöfall) ska du ha halvljus samt bak- och sidolyktor tända.