Xariiqda gaadiidka dadweynaha (kollektivkörfält) waa xariiq loogu talagalay waxa la yiraahdo gawaarida jadwalka u socda (fordon i linjetrafik). Badanaa basaska magaalada ayaa jadwal u socda, sidaas darteed xariiqyada gaadiidka dadweynaha waxaa kaloo la yiraahdaa xariiqyada basaska (bussfiler). Ujeeddada xariiqyadan waa in la fududeeyo in basasku ay hore u socdaan. Basaska jadwalka u socda, moobad heerka labaad (moped klass II) iyo baaskiil-wadayaasha ayaa loo oggol yahay inay xariiqdan isticmaalaan. Mararka qaar gawaari kale ayaa sidoo kale loo oggol yahay inay xariiqda gaadiidka dadweynaha maraan. Taas ayaa markaas lagu tilmaamaa saxaarad dheeraad ah (tilläggstavla). Mararka qaar xeerarka gaarka ah ee xariiqdan waxay khuseeyaan oo keliya waqtiyada qaar ee maalinta. Waxaa jiri kara calaamado jidka dushiisa ah oo qoran 'BUSS'.
Sharaxaad af Iswiidhish ah
Ett kollektivkörfält är en fil avsett för vad man kallar fordon i linjetrafik. Vanligen kör stadens bussar i linjetrafik och därför kallas kollektivkörfälten även för bussfiler. Meningen med dessa körfält är att underlätta för bussarna att komma fram. Bussar i linjetrafik, moped klass II och cyklister är tillåtna att använda detta körfält. Ibland får även andra fordon köra i kollektivkörfältet. Detta anges i så fall på en tilläggstavla. Ibland gäller de speciella reglerna för detta körfält endast under vissa tider på dygnet.Det kan finnas utsatta vägmarkeringar med texten “BUSS”.