Marka ay dhacdo jihayn-yarayn (understyrning) baabuurku wuxuu leexdaa wax ka yar inta aad istiirinka u leexiso, sababtoo ah taayirrada hore ayaa lumiya qabashadooda. Sida ugu badan, baabuurta hore-kaxeeya ayaa la kulma jihayn-yarayn marka la barbardhigo baabuurta dib-kaxeeya. Waa kuwan sababaha caamka ah ee jihayn-yarayn: taayirrada hore ee baabuurka waxay ku dul siibtaan dhoobo/baraf dhalaalaya (modd-) ama waxay ku dul siibtaan biyaha (vattenplanar); taayirrada hore way xiiqaan; baabuurku hore ayuu ku culus yahay (framtung); si adag ayaa loo fareemaa oo taayirradu isku xiraan baabuurta aan lahayn fareen ABS ah; gaas badan oo taayirrada hore ka dhigaya inay meeshooda ku wareegaan; gaadhi-daba (karafan) ama gaadhi-daba ku xiran oo leh culeys sare oo kubbadda ah (kultryck), ama gaadhi-daba si xad-dhaaf ah loo raray.
Sharaxaad af Iswiidhish ah
Vid understyrning av bilen svänger bilen mindre än vad du vrider på ratten då framdäcken tappar greppet. Vanligast är att framhjulsdrivna bilar drabbas av understyrning jämfört med bakhjulsdrivna bilar. Här kommer några vanliga orsaker till understyrning: Däcken som sitter fram på bilen modd- eller vattenplanar. Framdäcken är slitna. Bilen är framtung. Man bromsar för hårt så att däcken låser sig i bilar utan ABS-bromsar. För mycket gas så att framdäcken spinner loss. Tillkopplad husvagn eller släp med högt kultryck, för tungt lastat släp.