Shil ka-yimaada gadaal (upphinnandeolycka) macnaheedu waa in laguu dhaco gadaal ama aad qof kaga dhacdo gadaal. Nooca shilkan wuxuu keeni karaa dhaawac daran oo qoorta ah, oo la yiraahdo dhaawaca whiplash (jeedal). Sababta shilalka noocan ah u dhacaan waa in darawalku uu ka dhaxeeyo masaafo aad u gaaban baabuurka hortiisa ku yaal, ama uu aragti xun leeyahay, ama uusan diirran. Waxaa jira dhowr qodob, oo hoos ku qoran, oo lagaga hortagayo shilalka gadaal ka-yimaada: Waa inaad had iyo jeer ka dhaxaysid masaafo dheer oo ku filan baabuurka hortaada; isticmaal tusaale ahaan xeerka saddexda ilbiriqsi (tresekundersregeln) si aad u yarayso khatarta ah inaad aad ugu soo dhowaato. In aad diirran tahay markaad wadid aad ayey muhiim u tahay, laakiin si gaar ah waxaa muhiim ah inaad fiiro gaar ah u yeelato waxa baabuurka hortaada uu samaynayo. Adeegso wadis ka taxaddar badan marka aragtidu liidato, sida roob daran ama ceeryaamo.
Sharaxaad af Iswiidhish ah
Upphinnandeolycka innebär att du blir påkörd eller kör på någon bakifrån. Denna typ av olycka kan generera svåra nackskador, kallade whiplashskador. Orsaken till att olyckor av denna typ sker är att föraren håller för kort avstånd till framförvarande fordon, dålig sikt eller att man inte är fokuserad. Det finns ett antal punkter som listas nedan för att undvika upphinnandeolyckor: Man bör alltid hålla ett tillräckligt långt avstånd till bilen som är framför, använd exempelvis tresekundersregeln för att minimera risken att komma för nära. Att vara fokuserad när man kör är otroligt viktigt men speciellt viktigt är att man är uppmärksam på vad bilen framför gör. Tillämpa en mer försiktig körning vid dålig sikt som vid kraftigt regn eller dimma.